Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

wefti ka kooban saraakiil iyo gudiga doorashooyinka dadban ee 2016ka ayaa booqday cadaado

Xarunta Ku meelgaarka ee  Maamulka G/Mudug ee Cadaado ayaa maanta waxaa gaaray Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban  Md Cumar Maxamed Cabdulle dhegey, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto Cali baashi Max’ed Xaaji iyo Taliyaha Ciidamada Amisom ee Soomaaliya   gen: Cismaan Nuur Subagle..

Wafdigaan oo halkaasi u tagay in ay Hubiyaan habsami u socodka howlaha doorashooyinka iyo sidii ay Maamulka G/Mudug kaga wada hadli lahaayeey Suggidda ammaanka deegaankaasi inta lagu guda jiro xilliga doorashooyinka.

Masuuliyiintaas Maanta gaaray G/Mudug inta ay halkaasi joogaan waxay la kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada.waxaana halkaasi loogu soo dhaweeyay si heer sare ah

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *