Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

XASAN SHEEKH: Waa inaan xaqiijinaa in Dadka Soomaaliyeed ay helaan Nolol Cabsi la’aan ah

Iyadoo Caalamka oo dhan laga Xusayo Maalinta Caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, ayaa madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay dhawrista iyo kor-u-qaadidda Xuquuqda Aadanaha ee dalka.

Maalinta Xuquqda Aadanaha caalamka ayaa waxaa sannad walba caalamka oo dhan laga xusnaa 10-ka bisha December, iyadoo maanta Somalia oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu xusayo maalinta xuquuqda aadanaha ee dunida.

“Waa inaan dib u cusboonaysiinaa dadaalka aan ku muujinayno sida ay inooga go’an tahay in si joogta ah loo qiimeeyo, loona xushmeeyo nolosha aadanaha ee gudaha Somalia sida ragga, haweenka iyo carruurta. Ma ahan in dastuurkeenna iyo sharciyadeenna oo keliya lagu xuso Xuquuqda Aadanaha, balse waxaa sidoo kale lagama maarmaan ah in nidaamka dowliga iyo hannanka aan leenahay ay noqdaan kuwo saamaxaya in lagu dabbaqo guud ahaan Somalia. Waxaa intaas dheer oo nalaga doonayaa inaan shakhsiyan xaqiijino in nolol maalmeedkeenna uu noqdo mid ka tarjumaya sunnada Rasuulkeena Muxammad (CSW) ee ahayd inuu caawiyo dadka masaakiinta ah iyo kuwa nugul ee bulshada ka mid ah,’’ ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in inkastoo dadaallo dhowrista xuquuqda aadanaha lagu xaqiijinayo ay socdaan, haddana loo baahan yahay in dadaalkaasi la laba-laabo.

“Dalkeennu wuxuu sameeyay horumar la taaban karo, sida dhowrista xuquuqda aadanaha, iyadoo hawlaha dowladana lagu saleeyay horumarkaas, balse waxaa marag ma doonto ah in wax badan dhiman yihiin. Iyadoo Somalia ay horay ugu sii dhaqaaqeyso dhabihii nabad-gelyada iyo barwaaqada, waxaan mar kale, ka madaxweyne ahaan, codkayga ku biirinayaa dareenka caalamka, balanna ku qaadayaa in dhamaan shacabka Soomaalida ay helaan nolol ka madax-bannaan cabsi, amar-ku-taagleyn iyo cabburin,’’ ayuu madaxweynaha Somalia kusoo gaba-gabeeyay hadalkiisa.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *