Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xildhibaan ka Tirsanaa Baarlamaanka Galmudug oo Muqdisho Lagu dilay iyo Ninkii dilay oo lasoo Qabtay

Waxaa duhurnimadii maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Isgooska Sayidka lagu dhaawacay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug, kaa oo markii dambe u geeriyooday Dhaawicii soo gaadhay.

Sida aan Wararka ku helnay Xildhibaanka waxaa dilay ilaalada Xildhibaan kale oo  katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanka la dilay ayaa la socday gaadhi nuuca raaxada oo daba socday gaariga Xildhibaanka ilaaladiisa wax dileen.

Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Guuleed (Madoobe) ayaa dhaaweac culus oo dhinaca madaxa kasoo gaaray markii dambe ugu geeriyooday isbitaalka kuyaala magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku helnay Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geestay, waxaana hada uu ku xidhan yahay saldhig ay leeyihiin ciidanka Dowlada.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa  sheegay in ay hada socdaan baadhitaano ku aadan dilka Xildhibaan Madoobe, waxa uuna intaa raaciyay in meydka hada baarayaan CID-da.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin Xildhibaankan katirsan Baarlamaanka Galmudug ee maanta lagu dilay magalaada Muqdisho, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Xildhibaanka Ilaladiisa dilka geesatay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *