Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Jadwalka SHIRKA Muqdisho oo la shaaciyey, Madaxda ka hadli doonta iyo Qaabka loo dhigay (Akhriso)

Waxaa soo Baxay  Ajandaha Shirka Arimaha Doorashada Looga hadlayo ee ka dhacaya magaalada Muqdisho, Kaasi oo Qaadan doona Laba Maalin ayna ka qayb geli doonaan Madaxda DF Soomaaliya iyo Madaxda maamulada dalka.

Maalinka Koowaad oo beri ah waxaa kulmaya saxiixayaashii 17 September oo kali ah, mana jirto cidkale oo uu shirku u furan yahay , iyaga ayaana maalinkaas isla arki doona qaabka heshiiska loo saxiixi doono maalinka xiga mana jirto qof kale

Maalinka labaad waa maalin u furan dadka oo dhan waxaa si siman loo wada casumay marti sharaf badan oo ay ka mid yihiin labadii Madaxweyne ee hore, labada Guddoomiye ee labada aqal iyo Ururada Bulshada rayidka ah, Xildhibaanada labada aqal iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta .

Beesha Caalamku waxay maanta soo saartay Dhawaaq kulul, oo kusocda dhinacyada doorashada, loogama hadhine Madaxda dawlad gobaleedyada waxaa lagu amray in aysan ka bixi karin Muqdisho, aysana guuldareysan karin dhamaan kulamada Siyaasadda.

Hadda gudaha xarunta shirka ayaa la diyaariyey, berrito ayuu furmi doonaa sida qorshuhu yahay, dhammaan dhinacyada ayaana lagu adkeeyey ka qeybgalka in uu waajib-yahay, Ciidamada AMISOM ayaa amniga sugi doona sida ay soo jeedisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Siciid Deni madaxwaynaha Puntland oo goor sii horaysay la hadlay Warbaahinta ayaa walaac daran muujiyey oo kuwajahan Amniga, wuxuuba u muuqday in uusan ka qeybgaleynin shirkan, Balse Sida ku cad Ajandaha Shirka wuu ka Qayb geli doonaa. !

Kalshaale.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *