Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo ku baaqay in si Xooggan loola dagaallamo Musuq-maasuqa

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran, Dr. Axmed Cali Daahir ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuga ragaadiyay dalka, isagoo xusay inay jiri doonaan isbedello, waddankuna uusan kusii jiri doonin marxaladaha hadda jira.

Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale xusay inay la-xisaabtan uu jiri doona, ruux walba wuxuu geystayna lagula xisaabtami doono, isagoo intaa ku daray in haddii xilligaan lagu jiro ay saamixi waydo in hay’adii ama shaqsigii musuq-maasuq lagu helo ay imaan doonto xilli lala xisaabtamo, sharcigana la hor-geeyo.

“Waxaa laga yaabaa daruufaha, waqtiga, imkaaniyaadka, xilliyada iyo goobta inay saamixi waayaan la xisaabtan ama tallaabo sharci in laga qaado shaqsihii ama hay’addii musuq-maasuqa ka dhacay ay imaan doono xilli lala xisaabtami doono,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale, xeer-ilaaliyaha ayaa intaa kudaray in muhiimadu tahay in baaritaan la sameeyo; baaritaanka kaddib sharciga la horkeeni doono, haddii aan maanta la keeni waayo, berri ayaa la keeni doonaa ama waqti kale, isagoo sheegay inay hay`aduhu taxaddar dheeraad ah sameeyaan.

Dhanka kale, xeer-ilaaliyaha Qaranka ayaa hay’adaha ka codsaday inay ku dadaalaan, isla markaana ilaaliyaan sharciga, kuna dhaqmaan, wax walbana waxay ku qoran yihiin sharciga ee ha la dhowro, ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyntii, Xeer-ilaaliyaha ayaa ka hadlay inay waayadan dambe ay soo badanayaan boobka iyo dhaca dhulka hay’adaha dawladda Somalia iyo kuwa shacab, isagoo xusay inay jiraan Dad sidii ay doonaan ka yeelaan Dhulalka Hay’adaha Dowladda, kuna Tagri-falaan dhulalka, guryaha iyo hantidii  dawladdu leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu jeediyay ee ku aaddan in si adag loola dagaalammo musuq-maasuqa ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay oo 09-ka December ku beegnayd Caalamka oo dhan laga xusay maalinta la dagaallanka Musuq-maasuqa.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *