Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi/ Aqoonyahan c/qaadir jengeli ,fashilka ku yimid doorasha somaliya( dhuusamareen 4) iyo cidda masuuliyada doorashada iska leh

  Waraysigan uu siiyey Aqoonyahan C/qaadir Jengeli  Golaha1960 iyo Websaydhada ay wada shaqeeyaan ,ka dib fashilkii ku yimid shirkii dhuusamareed 4, wuxuu sheegay inaaney meelnaba ka soo gelin dowlad goboleed jaangoonta doorasho iyo maamulkeedaba ,ayna khaladkaa leedahay ciddii masuuliyadaasi siisay iyadoo ay joogaan baarlamaan la soo doortay ,Dowlad goboleedadana ay metelaan aqalka sare ee baarlamaanku.

Sidoo kale wuxuu sheegay Aqoonyahan Jengeli inaaney dadka somaliyeed doorashada baarlamaanka danaynin balse qofkastaaba uu ka hadlayo doorashada madaxweynaha oo kaliya ayna khalad tahay.

Sidoo kale wuxuu  ku taliyey  in loo daayo cidda iska leh qabashada doorashada iyo go’aan ka gaarideedaba maadaama aanu madaxweyne federal iyo madaxweyne dowlad goboleed meel ku lahayn doorasho taladeed.

Weriye Dhegood

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *