Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi/ aqoonyahan maxamud ibrahim,maxaa loo aasaasay hay’ada heritage,kalagoynta somaliya ee heritage iyo dhibaatada ay somaliya ku hayso.

  Aqoonyahan Maxamud Ibrahim  waraysigan uu siiyey Golaha1960 iyo Websaydhada ay wadashaqeeyaan wuxuu aad ugaga waramay Hay’ada HERITAGE Soamliya ee uu maamulo Caynte,ujeedooyinka loo aasaasay ,haya’daha dhaqaalaha siiya, warbixinaha ay diyaariyaan ee kalsooni daradu ka muuqato iyo shirarka ay qabtaan ee dhaawacaya midnimada iyo wadajirka Dalka iyo ummadda Somaliyeed.

Sidoo kale wuxuu ku dheeraaday labadii Shir ee lagu qabtay dalka Jabuuti 2018 iyo 2019kii ,Shirarkaasi oo ay ka qaybgaleen Siyaasiyiin iyo aqoonyahano kala duwan oo ka kala socda dowlada federalka ,siyaasiyiin madaxbanaan iyo dad aaminsan kala go’a somaliya,Shirarkaasi oo saldhig looga dhigay  siyaasad ku salaysan  in loo gogol xaaro in somaliya loo kala gooyo laba dal. waxaanad ka arkaysaa Warmurtiyeedii ka soo baxay shirkii 2019kii ay Jabuuti ku qabteen in Dalka Somaliya ay u kala qaybiyeen laba dal oo kala ah Somaliya Iyo Somaliland,

Aqoonyahan Maxamud Ibrahim Wuxuu sheegay in Hay’ada Heritage ay noqotay Hay’ad ku caan baxday kala googoynta Somaliya iyo ay dadka somaliyeed ku dhex abuuraan isnebcaansho iyo colaad dib loogu soo cusbooneysiiyo ,  Waxay kaloo Hay’adani  diidey in ay ku casuumaaan  dadka  somaliyeed ee wakhti walba u taagan midnimada somaliyeed ,kana door bideen iney shir walba ku casuumaan dadka u ololeeya kala go’a somaliya .

Weriye Dhegood

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *