Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi iyo baaq/ Aqoonyahan faysal cabdi rooble ,dhibaatooyinka cimiladu keento,fataada webiyada iyo badaha iyo baaq gurmad oo bulshada ku socda.

 Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble oo bulshada somaliyeed u mariyey Golaha1960 iyo Websaydhada ay wadashaqeeyaan Dhibaatooyinka ay keento Cimaladu Sida Fatahaadaha Bada iyo Fatahaadaha Webiyada ,abaaraha, dabka iyo waxyaalo kale oo badan.

Sidoo kale Aqoonahan Faysal Cabdi Rooble wuxuu aad ugu dheeraaday fatahaadahaasi siyaabaha wax looga qabto iyo qorshayaasha ay Dowladuhu u sameeyaan.Isagoo Aqoonhanku ku EEDEEYEY dowlada Federalka iney ka gaabisay waxka qabashada dhibaatada ay Fatahaada  Webiyadu keenee sida Gobolka Hiiraan iyo Gobolo kaleba . Qorsha la’aanta dowlada oo aaney muuqan hanti loogu talagalay iyo qorshayaal la diyaariyey oo keeni kara ka hortag la sameeyo maadaama ay dhibaatadani soo noqnoqonayso.

Ugu  dambayntii Aqoonyahan Faysal Cabdi Rooble wuxuu BAAQ u diray bulshada Somaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin iney Caawiyaan walaalahooda ku dhibaatoobey Fatahaada Webiyadu keeneen Sida Gobolka Hiiraan iyo Gobolo kaleba.

Weriye Dhegood

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *