Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

waraysi/ wasiirka deegaanka ,beeraha iyo isbedelka cimilada puntland mudane ismacil gamadiid(dhegaweyne)

  Waraysigan uu wasiirka Deegaanka ,Beeraha iyo isbelka cimiladu la wadaagay Golaha1960 iyo Websaydhada ay wadashaqeeyaan wuxuu kaga hadlay xaalufinta loo geystey deegaanku iney keentay ROOB la’aan joogta ah ,taasi oo sababtay in ay abaaruhu soo noqnoqdaan labadii sanaba.Shidida dhuxusha iyo xabadu waxay yareeyeen dhirtii iyo cowkiiba iyo in ay guurto ciidii nafaqada lahayd ee dhulka dushiisa saarayd ee xaabadu ilaalin jirtey .Abaarahaasi soo noqnoqonayaa waxay keeneen in xoolihii 70% dhamaadaan dadkiina ku soo ururaan magaalooyinka iyagoo qaxootiya.

Sidoo kale wuxuu aad ugu dheeraaday qorshaha ay wasaaradiisu u dejisey sidii ay ku joojin lahayd Xaalufka lagu hayo dhirta iyo cowskaba iyo sidii ay u qodi lahaayeen harooyin iyo ceelal ay dadku ka cabaan . Deegaanadana waxay ka caawinayaan sidii ay u ilaalin lahaayeen ddegaankooda una joojin lahaayeen goynta iyo gubida dhirta iyo  cowska

Sidoo kale wuxuu aad uga hadlay dhinaca horumarinta beeraha Puntland iyo Siyaabaha kala duwan ee Wasaaradu uga caawinayso beeraleyda baahiyahooda iyo arimao badan oo kale oo ku saabsan beeraha iyo ilaalinta deegaanka .Waa waraysi warbixin muhiima xambaarsan .

Weriye Dhegood

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *